Sawiro: Taliyaha Qaybta 21-aad oo Kormeeray Ciidamada Ilaalada Xeebaha GM

October 15, 2019 (AO) – Taliyaha Qaybta 21-aad Gen: C/Casiis C/Laahi Cabdi “Qooje” iyo Taliyaha Ururka 21-aad ee Danab G/Le Muqtaar Cabdule ayaa Maanta Kormeer Ku Gaaray Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Xoogga Dalka Qaybta 21-aad kuwaa oo Fariisinkoodu yahay Degmada hobyo ee Gobolka Mudug.

Socdaalkan oo Qayb ka ah qorshaha Dib u Tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka ee Ku Sugan Deegaanada galmudug ayow Taliyuhu Ku Xog Wareestay Saraakiisha Halkaa Ku sugan isagoo kaga Mahad celiyay Howsha Muuqata ee ay ka Qaybteen Hobyo , Isagoo balan qaadey in Dowladu Ku Taageeri doonto Agabka Muhiimka u ah Howsha ay u Hayaan Shacabka Soomaaliyeed

Ciidamada Qaybta 21-aad ee Ku sugan Degmooyinka Galmudug ayaa Si Buuxda ugu Diyaar Garoobey Xoreynta Deegaanada Maqan iyagoo sidoo kale Ka Soo Dhalaalay Howsha Amniga Gudaha Deegaanada ay Joogaan Taasoo Ku Timid shaqada Ciidamadu wadajirka u Qabteen iyo Gacansiinta Bulshada .