Ahmed madoobe iyo madaxda ku sugan kismaayo oo booqday dekeda iyo wazaaradaha jubaland

Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ayaa Maalmahii u danbeeyay qaabishay wafdigii ugu badnaa oo ka qaybgalay Caleemo saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

 

Marti sharaftan oo iskugu jirta Masuuliyiin iyo dadweyne kale oo ka kala yimid dalka gudahiisa iyo dibada ayaa bogaadiyay hormarka ka jira Dowlad Goboleedka Jubbaland ee dhinaca dib u dhiska iyo hanaanka Dowliga ah.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayaan Masuuliyiin kala duwan

 

Waxayna kala   yihiin Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani Mudane Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynahii hore ee Puntland ahna Mudane katirsan Aqalka Sare iyo Madaxweynahii hore ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha Jubbaland iyo Dekeda weyn ee Kismaayo oo dib u habayn balaaran lagu sameeyay isla markana laga soo saaray Marakiib ay lahayeen Ciidamadii bada Soomaaliya oo halkaas ku burburay howlaha shaqo ee Dekedana caqabad ku ahaa 30kii Sano ee lasoo dhaafay