Dagaal gobalka bakool ku dhemarey Ciidanka Dowlada Iyo Al shabaab

Dagaal  foolka fool ah ayaa  dhexmaray  ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab  .

Dagaalka ayaa dhacay  xalay  xili dambe wuxuuna ku dhacay deegaanno hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

 

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaannadaasi, gaar ahaan duleedka degmada Xudur.

 

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub aad u culus, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aynu la xiriirnay.

 

Ciidanka dowladda ayaa deegaanno duleedka ka ah degmada Xudur ee Bakool waxay saakay ka wadaan howlgal, balse ma jirto cid faah faahisay howlgalkaan.

 

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha oo  Labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalkan, hase ahaatee xaaladda ayaa saakay ah mid deggan.