Dad Ku Ganacsanada Khamri oo Dhuusamareeb lagu Bandhigay

Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug Wararka laga helayo  ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska degmadaasi ay fuliyeen howlgal lagu soo qabtay khamri farabadan & dad ka Ganacsanayay.

Howlgal qorsheysnaa ayaa la sheegay in Ciidamada Booliska ka fuliyeen Xaafado bartilmaameed ahaa oo ku yaalla Dhuusamareeb,kuwaas oo lagu sameyn jiray Khamriga laguna iibin jiray.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in saacadaha soo socda ay hay’adaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ay soo bandhigaan Khamriga,isla markaana meel fagaaro ah lagu burburiyo.

 

Qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa waxaa horay loogas ameeyey howlgallo kala duwan oo ka dhan ahaa Khamriga iyo dad ka Ganacsanayey, iyada oo inta badan dadkii loo soo qabtay la xukumay.