Danjiraha Somaliya ee Sudan oo warqadahiisa ku wareejiyay Guddoonka Golaha siyaasdda

Danjiraha cusub ee dowladda Soomaaliya dhawaan u magacowday Dalka Suudaan Maxamed Isxaaq Ibraahim ayaa waxaa uu warqadahiisa safiirnimo maanta ku wareejiyay Guddoomiyaha Golaha siyaasadda dalka Suudaan.

Guddoomiyaha Golaha Siyaasadda Qaran ee dalka Suudaan C/Fitaax Al Burhaan ayaa safiirka Soomaaliya ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

 

C/Fitaax al Burhaan oo hoggaamiyaha Golaha Iskudhafka ah ee maamulaya dalka Suudaan ayaa talada ku qabtay heshiis ay la galeen banaanbaxayaashii Suudaan kaddib ridistii Cumar Xasan Al Bashiir.

Al-Bashiir ayaa 11kii April sanadkan xafiiska isaga tagay,waxaana lagu hayaa xabsi isaga oo ku eedeysan musuq.

Cabdalla Xamduuk ayaa loo magacaabay Ra’isalwasaaraha Suudaan kaas oo ka socda kooxaha dimuqraadiyad doonka ahaa.