Degaano Hoostaga Degmada Baardheere Oo Howlgal Laga Sameeyay

Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab laga sameyeen degaanka Ray dab oo qiyaastii 40Km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa sameeyay howlgalkaas

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgalkaasi ku dileen Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka howlgalka laga sameeyey.

Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad, ee XDS Dhamme, Cali Maxamed Xasan oo lahadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgalkaas ay kusoo furteen Hub iyo Saddex Boqol oo neef oo Ari ah oo ay Al-Shabaab ka qaadeen dadka shacabka ah ee ku nolaa baadiyaha hoos taga degaanka Raydab.

Isagoo  hadalkiisa  sii wata ayaa intaasi ku daray in  howlgalkaas uu ahaa mid looga hortagayey Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro kala duwan ka fuliya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.