Dooni u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed oo ku dagtay badweynta Hindiya

October 15, 2019 (AO) – Doon u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed ayaa lasoo sheegayaa inay ku dagtay Xeebaha Badweynta Hindiya.

Doonidaan oo ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo rarteen Dekad ku taalka Wadanka Cummaan ayaa la sheegay inay Shalay ku dagtay Xeebaha Badweynta Hindiya.

Warar ayaa waxaa ayasheegeyaan in Doonidan ay usoo socotay Dekadda weyn ee ku taal Magaalada Boosaaso ee Puntland.

Doontaan oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa lagu sheegay magaceeda Cabdikariin, waxaana saarnaa illaa 10 qof oo shaqaale ka ahaa Doonta.

Dhammaan shaqaalihii saarnaa Doonta ayaa la soo badbaadiyey, waxaana lagu guurdareystay in la badbaadiyo hantidii saarneyd doonto oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Doontaan ayaa waxaa saarnaa 950 Kun oo Tan oo isugu jiray Raashin iyo Bagaash, mana ahan markii ugu horeysay oo ay dagto Doon usoo socotay Boosaaso waxayna aheyd Bishii Agoosto markii laba doon oo kasoo baxay Imaaraadka Carabta ay dageen kuwaas oo kusoo wajahnaa Magaalada Boosaaso.