Dhagayso : Duqii Hore Ee Muqdisho Oo Ku Baaqay In Maamulka Gobolka Lagu Wareejiyo Amniga

October 15, 2019 (AO) – Thaabit Cabdi Maxamed   Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ahaana  duqii hore ee caasimada  Muqdisho   oo ka hadlayay Amniga muqdisho  ayaa sheegay in ay haboontahay in lagu soo wareejiyo  amniga  magaalada muqdisho  maamulka gobolka banaadir .

Guddoomiye Thaabit aya sheegay dhinaca kale in wali aysan jirin cid qaadatay masuuliyada ami daro ee muqdisho ka dhacdo maalin walba.

 

Waxana uu tilmalamay in loo baahanyahay cid qaadato masuuliyada dhacdooyinka amnidaro ee ka dhaca gobolka banadir si isla xisabtan uu u yimaado.

Thaabit ayaa ugu baaqay dowladda soomaaliya in ay la timado istaratiijiyo cusub oo Amniga  wax loga qabanayo si gobol ilaa her dagmo looga fuliyo.

Hadalkan ayaa imaanaya, iyadoona wadooyinka magaalada ay kala xiran yihiin  sidaas oo tahayna  waxaa muqdisho ka dhacaya  falal amni daro .