Isku shaandheyn kooban oo lagu sameyn doono Golaha Wasiirada DF.

October 15, 2019 (AO) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in isku shaandheyn kooban lagu sameyn doono golaha xukuumadda federalka soomaaliya.

48 saac ee lasoo dhaafay waxaa kulamo albaabada u xiran yihiin lahaa Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaa laga tashanaayey sidii loo kala bedeli lahaa, lana isku weydaarin lahaa qaar ka mid golaha wasiirada xukuumadda federalka ah ee soomaaliya.

Wasiiradda isku shaandheynta ay saameyn doonto waxaa ka mid ah, Wasiirka Wasaatadda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka, Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Amniga, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasiir Ku-xigeenka Aminga, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda  Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Gargaarka, Wasiir ku-xigeenka Dhalinyaradda iyo Isboortiga, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda, Wasiiru-dowlaha Arimaha Gudaha.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Ra’iisul Wasaaraha uusan ku qanacsaneyn shaqisiyaadka ee soo geli doona xukuumadda, isla markaana uu baqdin qabo kala afkaar duwanaansho siyaasadeed, maadaama raga hadda wasiirada ah ay yihiin kuwo uu si aad ah u carbiyey oo tababarkiisa haysta.

Madaxweynaha ayaa aad u daneynaya isku shaandheyntan gaaban, waxaana uu uga dan leeyahay in ay ka yareeyso culeysyada siyaasadeed ee gudaha iyo dibaddaba ka saaran.

Hase ahaateen waxaa xusid in maalmo ka hor madaxweynuhu talo lagu siiyey in uu badelo Ra’iisul Wasaaraha oo ay siyaasiyiinta dalka iyo wadamada soomaaliya saaxiibka la ahba ay u arkaan xalka ugu wanaagsan hadiiba is badel la sameynaayo.