Laamaha Amaanka Dhusmareeb Oo Soo Amaro

Hugaanka Booliska Dhuusamareeb  ayaa soo saaray  amaro la xiriira dhinaca Amniga,kadib howlgallo ay sameeyen  Ciidanka

 

Gaashaanle Cabdullaahi Xasan Macalin  Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb ayaa marka hore sheegay in Magaalada gebi ahaan aan lagu arki karin dad soo gelinaya waxyaabaha maanka dooriya oo ay Khamrada kamid tahay.

 

Cabdullaahi Xasan  ayaa sheegayay in Askarigii lagu arko isaga oo wata dhar Shacab iyo hub ayuu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono,waxaana uu Ciidamada uu ugu baaqay in xilliyada ay hubeysan yihiin ay soo qaataan dareeskooda.