WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA OO QAABILAY XUBNO KA SOCDA  IOM

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda  iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa ku qaabilay  Agaasimaha Goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM)  Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad daran oo nololeed.

 

Kulanka sidoo kale lagu faaqiday taageeridda qorshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan Qurba-joogta Soomaaliyeed si loo abaabulo kulamo, madal-doodeedyo iyo seminaarro lagu xoojinayo baraarugga iyo dareenka caafimaadsan ee qurba-joogta .

 

Waxaa la isku afgartay  in   dhalinyaradda looga wacyi geliyo qatarta ka dhalan karta tahriibka iyo dhibaatooyinka badan ee ka danbeeyo waxayna hoosta ka wada xariiqeen in xad loo yeelo tahriibka iyo halisaha ka imaan-kara isku miidaamintiisa .