Dhagayso : TALIYAHA SALDHIGA GAALKACYO oo QARAX LALA EEGTAY SAAKA

October 15, 2019 (AO) – Taliyaha saldhiga bartamaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) oo khadka taleefonka kula hadlay warbaahinta  Awdinle.com  ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax loogu xiray gaarigiisa oo uu ka badbaaday.

Taliyaha ayaa la sheegay in Gaarigiisa uu ogaaday in qarax uu ku xiran yahay,kadib markii uu ka shakiyey xilli uu doonayey in uu ku aado goobtiisa Shaqada,waxaana la sheegay in uu qarxay mudo 15 daqiiqao kadib markii la ogaaday.

 

Laamaha Ammaanka Gobolka Mudug ayaa haatan waxaa ay wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen iyo dadkii ka dambeeyey in qarax loogu xiro gaarigiisa taliyaha saldhiga Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Awdinle.com