Dhageyso:-Taliska Gobalka Gedo oo fafahin ka bxiyay howlgal ay fuliyeen

October 16, 2019 (AO) –  Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalla gobolka Gedo ayaa waxaa ay faah faahin Guud ka bixiyeen howlgallo qorsheysnaa oo saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Maxamed Cali Cabdullaahi  Taliyaha Ururka 49aad qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalka ka fuliyeen meel 50km u jirta degmada Baardheere halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Isaga hadalkiisa sii wata  ayuu sheegay in tuulada ay howlgalka ka fuliyeen ay Shabaab ku heysteen xoolo isugu jira Ari iyo Geel oo ay markii hore si qasab ah uga qaateen dadkii lahaa sida uu hadalka u dhigey.

Howlgalka Intii uu socday ayuu sheegay inay Al-Shabaab  kasoo furteen xoolihii ay heysteen iyo hub farabadan,sidoo kalena ay ka dileen laba xubnood,isla markaana xoolaha ay Shabaab kasoo furteen ay ku wareejin doonaan dadkii lahaa.

 

Awdinle.com