Duleedka Xudur Oo Saaka Ka Socda Dhaq-Dhaqaaq Ciidan

October 16, 2019 (AO) – Ciidamada dowlad goboleedka Konfur Galbeed iyo kuwa  xoogga dalka  ayaa waxaa la soo sheegaya in saakay ay howlgallo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka wadaan deegaano hoos taga degmada Xudur .

 

Wararka aan ka heleyno gobolka Bakool ayaa sheegaya in howlgalladaan  ciidamadu ay bilaabeen salaadi subax ka dib markii sida la sheegay ay Al-Shabaab soo gaareen deegaano hoostaga  degmada Xudur ee xarunta gobolkaas

 

Shalay ayey aheyd markii ciidamada dowladda, iyo kuwii mamulka  oo is kaashanaya ayaa  Al-Shabaab kula dagaalamay  deegaanka Abal oo hoostaga degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool .

 

Awdinle.com