Erdogan Oo U Mahad Celyay Soomaaliya  

October 15, 2019 (AO) – Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha dalka Turkiga oo goordhow ka hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa u mahadceliyey dalal ay ku jirto Soomaaliya sida ay u taageereen weerarrada uu ka wado gudaha dalka Suuriya.

Madaxweyne Recep Erdogan oo arrinkaas ka hadlayey ayaa yiri “ Waxaan Soomaaliya uga mahadecinayaa iney nagu garab istaageen howlgalka militari ee aan ka wadno waqooyiga  Syria”.

 

Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka hortimid bayaanka Jaamacadda Carabta ee ku aadan in la cambaareeyo weerarada ay Turkidu ka wadaan gudana Suuriya, laguna dalbaday iney ka baxaan.

Dowlada Turkiga ayaa somaliya  ka taageerta  miisaaniyadda, waxaa kale oo uu Muqdisho  ku leeyahay saldhig militari uu ku tababaro askarta Soomaalida, maalgeshi badanna waa uu sameeyey.

 

awdinle.com