Gegidda Diyaaradaha Dhuusamareeb oo laga Cabsi qabo inuu xirmo

October 16, 2019 (AO) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in laga Cabsi qabo inuu xirmo Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb ayaa sababta uu u xirmi rabo Garoonka ku sheegay inay tahay kadib markii la galay  waqti roobaadkii,iyadoona laga Cabsi qabo in halkaas ay biyo badan fariistaan.

Ilo xog ogaal ah ku sugan Magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegay in xiligaan uusan jirin wax dayactir xoogan oo ku socda Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur.

Si kastaba ha ahaatee qaar ka mid ah Garoomada diyaaradeed ee ku yaalla Gobolada dalka Soomaaliya ayaa xili roobaadka xirma, kadib markii ay kusoo rogmadaan daadad badan oo biyo ah, iyadoona taasi ay sababto in wax duulimaad ah uusan shaqeyn.