Dhagayso : GOLAHA DEGAANKA BUURTINLE OO LIISKODA LA SHAACIYAY

October 16, 2019 (AO) – Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa saaka shaacisay liiska cusub ee xildhibaannada Golaha degaanka Buurtinle kadib markii la xalliyay khilaaf ka taagnaa xulista xubno kamid ah golahaasi.

Golaha cusub ee degaanka degmada Buurtinle ayaa ka kooban 22 xubnood waxaana ku jira 7 dumar ah sida ka muuqata liiska ay shaacisay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland  oo liiska warbaahinta u akhriyay  ayaaa bulshada degmada Buurtinle ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan xubnaha loo soo xulay degmada.

Sidoo kale wasiirka ayaa halkaasi ka shaaciyay in maalinta berriya la qaban doono doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenka Golaha degaanka Buurtinle .

 

 

awdinle.com