Iiraan Oo Markab  Shamiito Wada U Soo Dirtay Soomaaliya Markii 5aad

October 15, 2019 (AO) – Dowladda Iraan ayaa muddo lix bilood gudahood ah markabkii 5aad oo Shamiito wada u soo dirtay Soomaaliya.

Maamulayaasha Warshadda Shamiitada Iraan ee Qeshm, ayaa sheegay in Markabka hadda ku soo jira waddada uu wado 2,500tan oo Shamiito ah,kaas oo noqonaya kii 5aad tan iyo 21kii March sanadkan 2019ka.

Hormuz Amiri, oo ah madaxa horurinta Ganacsiga Warshadda Qeshm ayaa sheegay in Ganacsigooda uu fursad fiican ka helay Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku yaalla Qaaradda Afrika.

Waxaa uu sheegay in 104,000Tan oo Shamiito ah ay Iraan u dirtay Imaaraadka si loogu sii gudbiyo dalalka Afrika ee ay ka midka tahay Soomaaliya.

Waddamada ugu badan ee Adduunka ee dhoofsada Shamiitada Iraan ayaa waxaa ka mid ah; Egypt, India, Iraq, Kuwait, Oman, Pakistan, Saudi Arabia, Somalia, Sri Lanka, Tajikistan, Turkmenistan  iyo Imaaraadka Carabta.

awdinle.com