Kismaayo waa Magaalo soo kabaneysa.

October 16, 2019 (AO) – Magaaladda kismaayo waxaa ka jira soo kabasho dhanka dhaqaalaha, dib u dhiska, ganacsiga iyo nabadgeliyada.

Dadka degan kismaayo waxaa ay muujinayaan rajo iyo yidadiilooyin dhican walba leh, waxaad arkeysaa arday faro badan oo u dareeraya dugiyadda kala duwan ee waxbarashada, waxaad arkeysaa bulsho kala duwan oo maquulsan ganacsiga iyo suuqgeynta alaabaha kala duwan, waxaad kaloo arkeysaa dad isku duuban oo ka wada hadlaya aayahooda nolaleed iyo horumarkooda.

Maamulka jubbaland ayaa waxaa uu had iyo jeerba shacabka u muujiyaa dhaqan wanaagsan iyo adeegyo kala duwan sida:- dib u dhiska wadooyinka, nadaafadda iyo wacyigelinta abaabulka bulshada.