Xasan Sheekh Iyo Sheekh Shariif Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif  ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho,kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Kismaayo.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa Magaalada Kismaayo  ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uga qeyb galay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Xasan Sheekh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa inta uusan ka soo ambabixin Magaalada Kismaayo waxaa uu geed talaal ku beeray Madaxtooyada Jubaland,isla markaana Jubbaland u rajeyay baraare iyo horumar waara.

Sidoo kale Kismaayo ayaa waxaala filayaa in saacadaha soo socda Kismaayo uu ka ambabaxo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isna ka qeyb galay Xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe,isagoo ku laaban doona Magaalada Boosaaso.