Maxaa  ka jira   in mamul gobled cusub  loo samaynaayo  sool  iyo cayn

October 16, 2019 (AO) – Odayaal Siyaasiyiin Sool  iyo xubno ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya ee  ka soo jeeda goboladas ayaa  magalada Muqdisho ka wada qorshe ku saabsan in xildhibaanada beesha Dhulbahante ee u matalidoono barlamaanka soo socda lagu doorto Muqdisho.

Xubnahaan ayaa Muqdisho ku qabsaday shir loogu magac daray hindisaha maamul u sameynta goboladaas oo ay haatan kala maamulaan Puntland iyo Somaliland. Lama oga waxa kusoo beegay waqtigaan.

Cali Khaliif Galaydh ayaa kamid ah siyaasiyiintaan shirkaan qeybta ka ah, waxaana isaga rag kale oo ku hungoobay heshiiskii Somaliland, ay la galeen ay u muuqataa inay Muqdisho barmaaij kale ka abaabulayaan.

Mamulka puntland ayaa haatan gacanta ku haysa hannaanka ay ku yimaadaan xildhibaanada goboladaas laga soo doorto  iyagoo qeyb ka ah xildhibanada Puntland u matala barlamaanka  fedraalka Soomaaliya.

Xildhibanada ugu dambeysay  ee ka soo jeeda goboladas waxa lagu doortay magaalada Garowe  kadib markii lagu heshiiyay in dowlad goboleed kasta uu la yimaado xildhibaanadiisa

 

Awdinle.com