Sawiro: Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka Gudoomay Danjireyaasha Italy iyo Sweden

October 16, 2019 (AO) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ee danjirenimo ka guddoomay danjirayaasha kala ah Mr. Staffan Tillander oo ah Danjiraha dowladda Sweden dalka u fadhin doona Caasimadda  Soomaaliya ee Muqdisho  iyo Danjiraha Dowlada Taliyaaniga Mr. Alberto Vecchi oo isna noqonaya safiirka cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhin doona Muqdisho.

Madaxweynaha iyo labada danjire ayaa waxaa ay ka hadleen xoojinta xiriirada labada dal iyo Soomaaliya.