October 15, 2019 (AO) – Abukar Cabdinuur Jaamac Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay in dib xorriyaddiisa loogu celiyay siyaasi Muuse Cali Jaamac oo maalmo ka hor lagu xiray magaalada Boosaaso .
Guddoomiyaha ayaa sheegay in siyaasiga loo haystay gef uu ka galay laamaha garsoorka Puntland .
Guddoomiye ayaa sheegay in maxkamadda la horkeenay siyaasi Muuse Cali Jaamac ka dibna lagu xukumay saddex sano oo xarig ah balse markii dambe laga tixgeliyay da’diisa iyo xaaladdiisa caafimaad.
siyaasi Muuse Cali ayaa ku eedeeyay in ay laaluushka qaataan isagoo aan wax caddayn ah u haysan sidaasi darteedna maxkamadda lagu geeyay balse markii dambe cafis loo fidiyay iyadoo la tixgeliyay da’diisa .
awdinle.com