Wadada Isku Xirta Baydhabo Iyo Buur Oo Qarax  Lagula Eegtay  Kolonyo Ciidamada Itoobiya

October 15, 2019 (AO) – Faafahin ayaa ka soo baxaysa  qaraxyo saacadihii la soo dhaafay lala eegtay  kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qaybta ka ah howlgalka amison .

Labo qarax ayaa  la sheegay in ciidamadaani lagula eegtay waddada dheer ee xiriirisa Baydhabo  iyo Buurhakaba

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada  weeraradas .

Qasaaraha qaraxa koowada ayaa alshabab ku sheegtay in ay ku dishay ilaa afar askari oo Itoobiyaan aha sida ay hadalka u dhigtay kooxdan .

 

Qaraxa labaad ayuu  ka dhacay deegaanka Mooda Moode, inkastoo aysan shaacin khasaaraha .

 

Dhanka kale Isgaarsinta  magalada baydhabo ee xarunta kumeel garka ee mamulka konfur galbed  ayaa manta hawada ka maqan .

Sawabta isgaarsinta hawada looga saaray ayaa lagu sheegay in ay tahay kolonyo ciidan amison ka tirsan oo wadada ku safrayay.

Ciidanka itoobiya oo qayb ka ah amison mar alala markay ku safrayan wadooyinka ka baxa magalada baydhabo waxay hawada ka saaran dhaman lamaha isgaarsinta ka howlgala magalada ee xarunta gobalka .

Marka sidan oo kale loo jaro isgaarsinta waxa hakad gala isu socodka gaadidka iyo dadwaynaha .

Dadwaynaha ayaa dhib ku qaba jarista isgaarsinta dadka oo inta badan ganacsigooda ku tiirsan yahay adeega EVC + Plas .

Inta badan dadka  ayaa  lugaynaya wadada taas oo sawab u ah dadka oo iinta badan isticmaalin adeegan  EVC + Plas .

Mamulka kama hadlaan mar alala markii sidaan oo kale isgaarsinta hawada looga saaro .

 

awdinle.com