War deg deg ah: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Safar deg deg ah ku aadi doona Washington

October 16, 2019 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa safar aan aan horey loo qorsheynin Caawa ku aadi doona dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu ka qeyb geli doonaa shir heer wasiir ah oo lagu casuumay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Cusub ee Bankiga dhexe ee dalka.

Safarka Xasan Cali Kheyre ayaa lagu macneeyey inuu ka dhuumanaayo xasaradaha siyaasadeed ee dalka ka jira, maadaama dowlada federalka ah ay wajaheyso culeesyo siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba ka imaanaya, haba ugu sii darnaateed arimaha maamul gobaleedyada iyo amaan guud ee dalka.