Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Oo Soo Gaaray Muqdisho (Sawirro)

October 15, 2019 (AO) – Magaalada Muqdisho waxaa saakay soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda warfaafinta ee dowladda Jabuuti, Ridwaan C/laahi Bahdoon, waxaana lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dhiggiisa dalka Jabuuti kusoo dhoweeyey garoonka Aadan Cadde, waxayna kulan horudhac ah ku yeesheen qeybta VIP-da ee Garoonka.

 

Wasiir Bahdoon ayaa la sheegayaa in safarkan uu ku yimid Muqdisho yahay mid rasmi ah, wuxuuna inta uu joogo la kulmi doonaa mas’uuliyiin kale oo DFS.

Wasaarada warfaafinta ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirkooda iyo sidii loo ballaarin lahaa wadashaqeyntooda.

awdinle.com