XOG : Tacbashada Beertada  Waxaa Shuruud Ah Inaad Bixiso  Hal Milyan  

October 15, 2019 (AO) –  Hooyo Faadumo macalin Cabdulaahi  waxay ku nooshahay kaamka wadajir ee magalada baydhabo ee xarunta gobalka bay .

Waa 70  jir  la noolayn caruurteed inta badan caruurtii ay dhashay ale ayaa ka oofsaday .

Maalin dhaaf ayay u heshaa qutul  duuriga nolasha hada ay ku jirto waa cariiri  sidan an ku aragnay .

 

Warbaahinta  Awdinle.com manta ayay ku booqatay hooyo faadumo kaamka ay ka degan tahay duleedka baydhabo .

Hooyo faadumo waxay la hadashay warbaahinta  Awdinle.com  waxayna noogu sheekaysay sababii ku kalifay in ay u soo guurto magalada .

 

Marka hore waxay  inoo shegtay in miigii ay ku noolayen alshabab ku dhibay .

Waxay tilmamtay in alshabab qof walbo oo deeganka ka mid oo rabo inuu tacbado beertiisa laga qaado lacaq dhan hal milyan oo shilinka soomaaliya .

Maamadan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay bixiyaan lacagta lagu ganaaxay.

Inta badan dadka ku nool miiga ayaa mudooyinkii la soo dhaafay ku soo qul qulaayen  magaaloyinka kala duwan ee dalka .

 

Dadkan mar alaala markay yimaadan magalada waxay samaystaan kaamam .

Alshabab xiligan wuxuu dagaal kula jira dowlada fedraalka somlaiya iyo ciidanka amison waxayna joogan into badan deeganada dalkeena .

Dadka deeganada iyo dadka ku nool magaalyinka waxay ka qaadan zakawaad iyo casshuurto .

 

14  October ee sanadkan  warsaxaafaded ka soo baxay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyay canshuurta qasabka Al-Shabaab ka qaado dadka reer miyiga ee ku nool dhulka ay maamulaan alshabab .

Warbixin kasoo baxday golaha ammanka ayaa lagu sheegay canshuurta sharci darrada ah alshabab  qaatan inay sababtay barakac xoogan sidoo kalena hoos u dhacay wax soo saarkii beeraha .

 

Boqolaal qoys oo ku tiir sanaa xoolaha iyo Beeraha ayaa guryahooda uga cararay cabsi soo wajahday

Kadib markii AlShabab dadka deeganka  qasab ugu qadan lacago ay ku sheegeen canshuur, sida warbixinta lagu sheegay .

 

 

awdinle.com

 

Qore : Maxamed Cali Yuunis