Aqoonyahno Iyo Odayaal Lagu Xiray Beled Xaawo.

October 17, 2019 (AO) – Degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo  Wararka naga soo gaara  ayaa sheega in ciidamada amaanka ay xireen dhowr qof oo  isugu jira aqoonyahaan iyo  odyaal dhaqamed  kuwaas oo  la heeb yihiin  Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Xarigga dadkaan ayaa lagu sababeeyay in uu la xariiro kiiska Cabdirashiid Janan oo maxkamadeentiisa ka socoto Muqdisho

 

Falkan lagu xirxiray dadkan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyen masuuliyiin la  heyb ah Wasiirka amnigana jubaland  Janan sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid  ah dadka magalada .

 

Dadku waa isku qabiil  laakiin dadka ayaa ii sheegay  in ay bilaabatay in jufo hoosaad loo beegsado dad ku heyb ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

31 August   2019  Booliiska Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku xiray wasiirkii amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan .

Cabdirashiid Janan ayaa ka yimid degmada  Doolow ee gobolka Gedo, wuxuuna u sii docday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya .

 

Janan ayaa loo haystaa xadgudubyo lagu eedeeyey inuu horey uga gaystay gobolka Gedo  xasuuqa dad shacab ah sida ku cad gal dacwadeed ka yiilay maxkamadda gobolka Banaadir.

awdinle.com