Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Koonfur Afrika oo loo badaley Nigeria

October 17, 2019 (AO) – Danjire Jamaal Maxamed Baroow oo ahaa Safiirka Dowladda Federaalka aha ee Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda koonfur Afrika, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in loo badaley Dalka Nigeria.

Jamaal Baroow ayaa horey u soo noqdey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda sanadii 2013 ilaa 2014, hase mudo ka dib waxaa loo badaley in uu danjire ka noqdo koonfur afrika.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegey in Danjire Jamaal Baroow lagu badeley ku-xigeenkiisa Maxamed Cali Mire oo Nabadoon loo yaqaano oo bilo ka hor Dowladda Soomaaliya ay u dalacsiisay darajada Danjire.

Maxamed Cali Mire Nabadoon oo ahaan jirey qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa waxaa ay walaalo yihiin Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ah xildhibaanka ugu awooda badan dowladda hada dalka ka jirta.

Warqad uu qorey Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa yiri sidan soo socota.

Ujeeddo: Wareejin Danjire Jamaal Maxamed Baroow

Waxaa si xushmad leh laguugu Wargelinayaa in laguu wareejiyey Safaaradda Soomaaliya ee Nigeria laga bilaabo taariikhda 14/10/2019.

Hadaba, Danjiraha waxaa laga rajeynayaa inuu yimaado Xaruunta Wasaaradda si loogu dhameystiro habraaca Xilka cusub ee loo igmaday.