Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada DKG :- (SAWIRO)

0
3

October 17, 2019 (AO) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya mudana  C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen)  ayaa Maanta shir guddoomiyay kulankii Todobaad laha  alaa ee  golaha Wasiirrada ee maamulka .

Kulanka ayaa  looga hadlay arimaha ay ka mid yihiin ammaanka dhaqaalaha siyaasada  iyo qodobbo kale

 

Intuu socday kulanka  waxaa warbixinno looga dhagaystay qaar ka mid ah golaha Wasiirrada waxanay sheegeen in ay howluhu u socdaan sidii loogu tala galay.

 

Shirka ayaa sido kale waxaa looga hadlay Xoojinta wada shaqaynta Wasaaradaha maamulkaasi iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha, si wax loogu qabto Shacabka ku dhaqan koofur galbeed.Soomaaliya .

 

Golaha  ayaa sido kale Shacabka ugu baaqay in ay isku howlaan sidii wada shaqayn dhow ay ula yeelan lahayeen laamaha amniga, si looga hortago dhibaatoyinka .

Awdinle.com