Maxkamadda Cadaaladda Dunidda ICJ oo dib u dhigtay Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

October 17, 2019 (AO)  Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiga Xaruunta midowga Yurub Dr. Cali Saciid Faqi, ahna xubin ka mid ah kooxda Soomaaliya u qaabilsan dacwadda arrimaha badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegey in dib loo dhigey dacwadda ilaa Bisha June 08, 2020.

Danjire Cali Faqi ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in dib loo dhigay kiiskii dacawadda badda wuxuuna yiri sida:-

OGEYSIS DEGDEG AH

“Maxkamada ICJ waxay galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin.”