Shil ay ku dhinteen 35 qof oo ka dhacay wadada isku xirta Maka iyo Madiina

October 17, 2019 (AO) –  Ugu yaraan 35 qof oo Ajaanib ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dalka Sucuudiga ka ddib markii gaari Bas ah oo ay saarnaayeen uu ku dhacay Gaari kale.

Afhayeen u hadlay Booliska Magaalada Madiina ayaa sheegay in afar qof oo kale ay dhaawacyihiin, waxaa uu intaas ku daray in dadka shilkaas ku dhintay u badan yihiin dad ka soo jeeda Qaaradda Asiya iyo Bariga dhexe.

Dadka shilkaas ku dhintay ayaa u badnaa dad u tagay Sucuudiga in ay cumreystaan, waxaana ay shilka ku galeen Waddada isku xirta labada magaalo ee barakeysan.

September 2015kii ayey ahayd markii 2,300 oo xujey ah ay ku geeriyoodeen xajka ka dib isbuurasho ka dhacday.

Waxaa kale oo ka dambeeyay shilal Gaadiid oo sababay dhimashada dad u badan ingiriis oo gudaha Sucuudiga shil ku galay.