Wasaaradda Waxbarashada oo amar Dul dhigtay Iskuulada iyo Jaamacadaha Dalka

October 17, 2019 (AO) – Xili Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka ay wado dadaalo lagu xoojinayo tayadda aqoonta Waxbarasho ee Jaamacada iyo dugsiyada dalka ku yaala ayay maanta Wasaaradda ku dhawaaqday qorshaheeda cusub ee ku wajahan Barayaasha Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed oo ka qayb galayay munaasabad ay ku qalin jabinayeen arday dhameysatay Waxbarashadda heerka 1aad ee Jaamacada ayaa sheegay in Dugsiyada iyo Jaamacadaha dalka ay san wax ka dhigi doonin macalin aan heysan aqoonsiga Wasaaradda waxbarashadda marka la gaaro bilowga bisha January sanadka 2020.

Wasiirka ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in hadda Wasaaradda ay wado qorshihii lagu diiwaan geli lahaa dhamaan Barayaasha wax ka dhiga xarumaha waxbarasho ee dalka.