October 18, 2019 (AO) – Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Itoobiya ayaa Talaadadii duulimaadkeedii ugu horreeyay oo caalami ah oo siday 154 qaxooti Soomaali ah geysay dalka Jarmalka.
Hay ada waxay taageertay Barnaamijka Dib-u-dejinta Jarmalka dadaalka ay ugu jiraan dib u dajinta 500 qaxooti ah oo ku nool Itoobiya si Jarmalka loogu diro tan iyo bisha Maarso.
Qaxooti kale oo tiradoodu tahay 220 ayaa u ambabixi doona Jarmalka, waxayna raacidoonaan duullimaad labaad oo ay hay’adda IOM leedahay, badhtamaha Noofembar. Inta badan dadkaasi waxay horey u mareen waraysiyo muhiim ah iyo qiimeyn caafimaad.
Sanadkaan oo keli ah, IOM waxay caawisay 4,000 oo qaxooti ah si ay dib u dajin uga helaan dalal cusub iyadoo taageero ka helaysa UNHCR
Warar Sugan Kala Soco awdinle.com