October 17, 2019 (AO) – Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo kamid ah cullimada Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe qabsaday baraha bulshada, ka dib markii khudbado aad u soo jiitay badka somaliyed ku jeediyay maajidada
Sheekh Cabdi Xayi oo inta badan khudbadaha uu jeediyo maalmaha salaadda Jimcaha la duubo, ayaa waxaa la soo dhigaa baraha bulshada, taas na ay keentay in dad badan ay xiiseeyaan qaabka uu uga hadlo waxyaabaha markaas ka taagan dalka iyo sida uu gaar ah isu waafajiyo shareecada Islaamka iyo qaabka aftahannimada ee uu dadka ugu gudbiyo.
Waxyaabaha dadka isticmaalla baraha bulshada sida gaarka ah u soo jiitay ee u Sheek Xayi ka hadlay waxaa ka mid ah:
Mucaaaradada
Muranka badda Soomaaliya iyo Kenya
Khilafka mamaul goboleedyada iyo dowladda faderaalka
Dastuurka iyo diinta Islaamka
Sheekha wuxuu sheegay in labada khudbad ee mimbarka salaadda jimcaha uu luuqadda Carabiga ku akhriya, kadib marka salaada laga baxana uu Afsoomaali ku fasiraa khudbadda.
Khudbadda qeybta Soomaaliga ayuu sheegay in dadka ay aad u daneeyaan, maadaama khudbadaha uu jeedinayo iyo tusaalooyinka uu u soo qaadanayo ay yihiin kuwa inta badan la xiriira xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale sheegay in baahida ka dhex jirta bulshada ay ku dhalisay in uu jeediyo khudbado noocaas oo kale ah.
Dadka qaar ayaa khudbadaha Cabdi Xayi ka dhadhamiya in uu ku weeraro dadka siyaasad ahaan ka so horjeedo dowladda Soomaaliya, hasayeeshee waxaa uu sheegay in dad gaar ah uusan weerarin.
Wuxuu intaa ku daray in khudbadihiisa uu inta badan diiradda ku saaro mabaadi’da guud iyo khilaafaadka ka jira dalka.
Soomaalida qaar ee adeegsada baraha bulshada ayaa khdbadaha Sheekh Cabdi Xayi u adeegsada inay ku weeraraan shakhsiyaad ama siyaasiyiin gaar ah, kuwaa oo inta badan isku aadiya muuqaallada khudbadaha uu jeedinayo Cabdi Xayi iyo siyaasiyiin qaar.
Sheekh Cabdi Xayi ayaa caan ka noqday baraha bulshada mudooyinkii la soo dhaafay
SOURCE BBCSOMALI
Warar Sugan Kala Soco awdinle.com