Wasiir Sabriye Oo Goordhow Gaaray Dhuusamareeb

October 17, 2019 (AO) – Cabdi Maxamed Sabriye  iyo wafdi  uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Dhuusa mareeb ee gobolka galgaduud.

Socdaalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa salka ku haya Xalinta tabasho ay qabaan Hoggaanka Ahlusunna oo ka dhalatay Magacaabista Gudigga Farsamadda Dhismaha Dowlad-Goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

 

Qoraal dhawaan ka soo baxay Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay magacaabista guddigaa aan wax watashi ah dhankooda lagala sameyn, islamarkaana aan loo marin dariiqaa saxda ah, taasoo keentay in uu hakad ku yimaado guda-galista howlihii loo idmaday guddiga.

 

Mudooyinkii ugu dambeeyay  ayaa waxaa wada-hadallo hoose ay u socdeen dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ahlusunna oo diidanaa Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug ee Wasaaraddu Magacaawday.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com