Xil. Abdishakur Mire: Axmed Madoobe waxaa loo keeni doonaa C/rashid Janan

October 18, 2019 (AO) Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya lagana soo doorto deegaanada Maamulka Galmudug ayaa dhow jeer ku hanjabey in la soo xiro doono madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Xildhibaan Cabdishakuur ayaa in mido ah dagaal dheer oo shaqsi ah kula jiray Maamulka ka arimiya Jubbaland, waxaana uu mar walba sheegaa in Maamulkaasi uu yahay sharci daro loona baahan yahay in dadka deegaanadaasi degan oo dhan ay sidaas u fahmaan, xildhibaan cabdishakuur ayaa mar walba meelaha meelaha fagaarayasha aha iyo hotelada xamar ka sheeg sheeg in dowladda federalka ay go’aansatey in lasoo xiro Axmed Madoobe lana dhigo Xabsiga uu hadda ku jiro Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashii Xasan Cabdinuur Janan.

Dad badan ayaa waxaa ay is weydiinayaan sababta uu dagaalka intaasi ku kaliftay xildhibaanka, maadaama uu kasoo jeedin Jubbaland deegaan doorashdiisuna ay tahay Galmudug.

Si kasta ha ahaatee xildhibaanka Cabdishakuur Mire ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xildhibaanka ugu awooda badan xildhibaanadda Golaha Shababka ee Baarlamaanka Federaalka ah, isla markaana si toos ah ugu xiran Madaxweynaha.