Dowlada Kenya Oo Shaacisay Magaca Iyo Qabiilka Ninka AL-shabab U Qaabilsan Weerarrada Sohdinta

October 17, 2019 (AO) – Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in Cabdullahi Banati oo ka soo jeeda Qabiilka Gaaljecel uu yahay Ninka AL-shabaab mas’uulka uga ah weerarrada ay Ciidamadooda kala kulmaan Gobolka Soomaalida.

 

Ninkaas ayey sheegeen in uu hoggaaminayay koox 12kii Bishan Miino ku tallaashay degaanka Dhamajaale oo duleedka Libooyo ku taalla.

Weerarkaas waxaa ku geeriyooday 11 ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya oo halkaas ka waday howlgal amni sugid ah.

 

Jimcihii shalay Ciidamada Kenya ayaa howlgal ka fuliyay sohdinta Soomaaliya iyaga oo raadinayay kooxda ka tirsan Al-shabaab ee uu hoggaamiyo Cabdullahi Banati.

Warbixin ay soo saareen Booliska Kenya ayey  ku sheegeen in Cabdullahi uu qorsheeyay weerarka isaga oo taageero ka helay qubaro dhinaca Miinooyinka ah oo ku sugan Xerada Dhadhabaab sida ay hadalka u dhigeen.

 

Booliska waxaa ay dadka Gobolka Soomaalida ku nool ka codsadeen in ay ka qeybqaataan howlgalka Ninkaas iyo kooxdiisa lagu soo qabanayo islamarkaana xogta la xiriirta ku hagaajiyaan Magaalada Gaarisa oo laga furay xafiis ay dadka xogaha AL-shabaab la wadaagi karaan.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com