Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo amar kusoo rogay Xildhibaanadda Wasiirada ah

October 19, 2019 (AO) -Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka Sanadkaan ay u yaalaan Shaqooyin badan, isla markaana dhammaan laga doonaayo in ay soo xaadiraan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano badan oo ka maqan kulamada kala duwan ee Golaha shacabka Soomaaliya.

Gudoomiyihu Waxaa uu sheegay in uu ku amrayo dhammaan Xildhibaanada baarlamaanka ka tirsan ee Golaha Wasiiradda ah in ay soo xaadiraan kulamada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha ayaa xusay in tirada Xildhibaanada ee ku jira Golaha Wasiirada ay aad u badan yihiin, islamarkaana laga doonaayo in ay qeyb galaan kulamada baarlamaanka hadii aysan jirin shaqooyin muhiim ah.