Kalfadhiga 6aad  Kulankiisi 1aad ee Golaha Shacabka oo maanta furmaya

October 17, 2019 (AO) – Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay Muqdisho ku yeeshaan kulanka ugu horreeya kalfadhiga 6aad ee uu dhawaan furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Framaajo.

 

Ajendaha kulanka ayaa ah Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.

Golaha shacabka ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in la horgeeyo mooshin ka dhan ah Ciidanka Kenya ee ku jira Gudaha Soomaaliya.

 

Xildhibaannada Mooshinka ka dhanka ah Kenya wada waxaa ka mid ah Cabdi Shire Ciyaar Jecel, Maxamed Cumar Dhalxa, Daahir Amiin Jeesow iyo kuwo kale.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay dhibaato ku hayaan Siyaasadda Soomaaliya iyo Dhibaateynta dadka rayidka ah ee Jubooyinka ay ku dhibaateeyaan.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com