Puntland oo amartey in albaabadda loo laabo Xafiisyo khalkhal Gelinkara Xasiloonida Puntland

October 19, 2019 (AO) – Maamulka Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa amray in albaabada loo xiro labo xaafiis oo ay labo Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ka furteen degaanada ay kasoo jeedaan ee Puntland, kuwaas oo ay sheegeen in ay xooga ku saarayaan ogaanshaha baahiyaha ay qabaan deegaanada laga soo doortay iyo dadka ay ku matalaan dowladda dhaxe.

Wasaaradda arrimaha gudaha, ee Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in aysan sharciyad ku fadhiyin xaafiisyada laga furay Dhahar iyo Goldogob, oo ay leeyihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee fadhigiisu yahay Caasimadda Dalka ee Xamar.

Xaafiisyadda ay amartay in la xiro Puntland ayaa waxaa furay Wasiiradda Qorsheynta Qaranka Xildhibaan Jamaal Xasan iyo Shaqadda Shaqaalaha Xildhibaan Sadiiq Warfaa.

Puntland oo waxay arintan ku sababeysey in ay lid ku tahay xasiloonada siyaasadeed ee deegaanadda maamulka uu ka taliyo.