Tabinta Wararka Golaha Shacabka Oo Loo diiday Warbaahinta Madaxabanaan

October 19, 2019 (AO) – Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa weriyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan ee dalka goordhow u sheegay in aan looga baahneen tabinta fadhiyada Golaha Shacabka ee BFS.

 

Kulan goordhow usoo dhamaaday Guddoomiye Muudeey iyo weriyaasha ku qoran soo tabinta wararka Golaha Shacabka ayaa loogu sheegay in aysan tabin karin fadhiyada Golaha islamarkaana ay fasax yihiin.

 

Golaha Shacabka ayaa hadda ku shaqo bilaabay xarunta Villa Hargeysa oo ku taalla Gudaha Madaxtooyadda Qaranka, waana sababta loogu diiday wariyeyaasha.

 

Qaar ka mid ah Wariyeyaaha Muqdisho ayaa sheegay in Guddoonka baarlamaanka ay sheegeen in aan la ogoleyn Warbaahinta Madaxa banaan in ay soo gudbiyaan wararka ku saabsan Golaha Shacabka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa horay u diiday in warbaahinta Madaxa banaan ay soo tabiyaan Wararka Madaxtooyada, taas badalkeeda waxay u dirtaa Warbaahinta Muuqaallo inta Madaxtooyada aysan rabin laga jaray.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com