Wasaaradda Dhallinyarada  Koonfur Galbeed  oo kulan u qabatay in ka badan 120 dhallinyo :- (Sawiro)

0
3

October 19, 2019 (AO) – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Magalada Baydhabo kusoo bandhigeysa nuqulka Siyaasadda

 

Dhallinyarada KGS. Bandhiggan oo socon doona 3 maalmood ayaa waxaa ka qayb qaadan 120 dhallinyarada qaybeheeda kala duwan ah.

Qaybta koowaad oo socon  doonta 3 maalmood ayaa ka qayb galaysa 40 dhallinyaro ah, iyadoo ay xigi doona laba dufcadood oo min 40 ah.

Waxaa xusid mudan in bilowgii qoraalka siyaasaddan laga qayb geliyay Dhallinyarada ku kala dhaqan magaalooyinka Baydhabo iyo Afgoye.

 

Ujeedada bandhiggan ayaa ah inay Dhallinyarada ka talo bixiyaan siyaasadda Dhallinyarada ka hor inta aan la horgeyn golaha wasiirada Koonfur Galbeed.

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com