Dil Qorsheysan oo ka dhacay Sh/hoose Degmadda Aw-dheegle

October 20, 2029 (AO) – Kooxo hubeysan ayaa gabaldhicii maanta gobolka Sh.Hoose ku dil ugu geystey laba dhalinyaro oo ku sii jeeday degmada Awdheegle oo ka mid ah deegaanadii u danbeeyay ee lagala wareegay dagaal yahanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Labadan dhalinyarada ah lagu furay rasaas, iyagoo saarnaa dhug dhugleey ama mooto nooca Fekon, isla goobta ku geeriyoodaan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa toogashada gobolka Sh.Hoose loogu geystay halka laga galo degmada Awdheegle, iyadoo la tuhunsan yahay in toogashooyinkan ay ka danbeeyeen xubno kamid ah Shabaab oo aaggaasi ka howlgala.

Si kastaba, Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Degmada Awdheegle ayaan ka hadlin dhacdadaasi.