Dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis ku Gaaray Washington

October 20, 2019 (AO) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay dhiggiisa Kenya Dr. Ukur Yatani.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya iyo dhigiisa Kenya Mr Yatani ayaa ka wada hadlay arrimaha  Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudbaya labada dal iyo arrimo kale.

Wasiir Beyle iyo Ukur Yatani oo kulmay inta uu socday Shir sanadeedka IMF iyo Bandhiga Aduunka,kaasi oo ka dhacay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiisyay inay si Caadi ah u socdaan howlaha Ganacsiga iyo gargaarka ee u kala gudba Soomaaliya iyo Kenya iyo in la xoojiyo xiriirka Ganacsi ee u dhexeeya labada dal.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa haatan waxaa ka dhexeeya Muran dhanka Badda,iyadoona Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ uu ka furan yahay Kiiskaa oo la dhageysan doono sanadka soo socda ee 2020.