Gudoomiyihii  Degmada Warta Nabadda oo ka mid ahayd dadkii ka bedbaaday  Qaraxii  24 July oo dib ugu soo labatay muqdisho:- (Sawiro)

October 20, 2019 (AO) – Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabatay iyadoo caafimaad qabta Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda Saynab Maxamuud Warsame Xaabzey oo ku dhaawacantay Qaraxii ka dhacay 24 July ee sanadkan Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Waxaa garoonka diyaaradaha Adan Cabdulle Cusmaan ku soo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Dhanka Amniga iyo siyaasadda Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Tuulax)  iyo Xog hayaha Guud Ee Maamulka Gobolka Banaadir Gudoomiya Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Baarqab) iyo qaar kamid ah Gudoomiyasha Degmooyin Gobolka Banaadir.

Saynab Maxamuud Warsame Xaabzey Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda  ayaa la hadashay warbaahinta .

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com