Howlo shaqo Oo Ka Socda Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud Ee Magalada Baydhabo  :- (Sawiro)

October 20, 2019 (AO) – Mas’uuliyiinta sare ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda laanta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa mudooyin kii ugu danbeeyey waday howlo lagu hormarinayo dhismaha gegida dayaaradaha shaati gaduud ee magaalada baydhabo.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Laanta 3aad Konfur Galbed Somaliya  cumar Xaaji ibraahim yarow ayaa ku howlan qorshihii lagu balaarin lahaa islamarkaana qaab casri ah loogu dhisi lahaa eel boorka baydhabo.

Mr Omar xaaji ibaraahim yarow agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Laanta 3aad KGS ayaa sidoo kale muujiyey in kasokow dhismaha ceel boorka ay sidoo kale horumarin muuqata ay ka sameyn doonaan dhinacyada adeegyada kala duwan ee bulshada taasi oo ay ku riyaaqi doonaan bulshada somaliyed .

Manta ayuu agaasimaha kormeer  ku tagey gudaha ceel boorka si uu u soo hubiyo qaabka iyo sida ay u socoto howsha .

Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Laanta 3aad KGS ayaa  gudaha magaalada baydhabo ka hirgelisay  dhismo cusub oo ay leedahay laanta

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com