Maxaa ka jira Dowladda Soomaaliya ay taageerro militari ka raadineysa Turkiga iyo Eritrea

October, 20, 2019 (AO) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya xiligan wada-xaajood  la xiriira taageerro militari kula jirto dowladdaha Turkiga iyo Eritrea.

Taageerada miliari oo ay dowladda Soomaaliya ka raadineyso labadan dowladood ee Turkiga iyo Eritrea in ay gacan ka siiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab marka ay Soomaaliya ka baxaan ciidamada AMISOM sanadkan 2021ka.

Daabulaadda ciidamada iyo agabka militari Turkiga iyo Eritrea u baahan tahay in ay marka hore ansixiyaan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qarramada Midoobay ee loo yaqaabo United Nations Security Council UNSC.

Danjiraha Dowladdaa TurkiGka u fadhiga Kenya, Axmed Kaamil Miroglo ayaa sheegay in hadda uusan ka war haynin La-tashiyadda noocaasi ah.

Si kastaba ha ahaatee Haddii ay Turkiga iyo Eritrea ku talaabsadaan inay Somalia u diraan, Saraakiil ciiddan iyo Qalab Millitari, waxaa ay taasi u muuqan kartaa inay Soomaaliya ku guuleysatay Hawlgalka AMISOM ee ay Deeq bixiyayaasha  Caalamiga taageeraan, taaasi oo la filayey in lagu tababaro, laguna  qalabeeyo 30,000 oo Askar Somali ah, ka hor inta aysan AMISOM ka bixin  Soomaaliya sannadka 2021-ka.

AMISOM ayaa muddadii ay joogtay Soomaaliya waxaa lagu guuleystay oo kaliya ay tababaraan 10,000 oo Askari oo ka tirsan ciidanka amaana dowladda federaalka.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay warka ku saabsan in ay ciiddamo iyo Qalab u soo diri doonaan  Somalia, marka ciiddanka AMISOM laga wada daad-gureeyo Somalia sannadka  2021-ka.