Qofku Haduu Mar Soo Noqdo  Madaxweyne  Mucaarad Ma Noqon Karaa ?

October 20, 2019 (AO) – May 23, 2008, ciidamo Itoobiyaan ah iyo qaar ka amar qaata madaxweynihii talada hayay ayaa waxay gurigiisa ku weerareen madaxweynihii ka horeeyay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

 

In kastoo oo sii nabad ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha doorashada kaga guuleystay October 10, 2004 shirkii Embaghati, hadda madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu Cabdulaahi Yuusuf ku noqday mucaarad aad uga soo horjeeda siyaasaddiisa.

 

Cabdiqaasim iska daa keliya in uu afka uun wax ka mucaarado, ama sameysto xisbi nabadeed, wuxuu kow la shaqeeyay wasiiradii hubeysnaa Muuse Suudi, Qanyare, Caato oo garab u ahaa Shariif Xasan ee diiday go’aanka Cabdullaahi Yuusuf ee ahaa in Baydhabo ay caasimad noqoto.

 

Jan 1, 2006, wasiiradaas, Shariif Xasan iyo Cabdiqaasim waxay ka shaqeeyeen sidii magaalada Muqdisho loogu samayn lahaa maamul bar bar socda kii uu Cabdullaahi Yuusuf magacaabay, waxayna guddoomiye ka dhigteen Maxamed Cumar Tootow. Muuse Suudi oo kow taageeray Tootow doorashadiisa, ayaa haddana markii dambe diiday sheegayna in ninkaas ay qaraabo yihiin Cabdiqaasim, asagana uu daba ka riixayay. Cabdiqaasim wuxuu u hambalyeeyay Guddoomiye Tootow.

 

Isla sannadkaas oo ay wasiiradii hubeysnaa iyo maxaakiimtii isku dhaceen, Cabdiqaasim wuxuu si furan u taageersnaa maxaakiimta iyo dagaaladii ay maamulkii Cabdullaahi Yuusuf la galeen.

 

Madaxweyne Cabdiqaasim oo degannaa Muqdisho, wuxuu Qaahira u guuray kaddib markii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu mucaaradnimo darteed u beegsaday. Maalinta gurigiisa la weeraray, wuxuu qabtay shir jaraa’id oo uu eedda dusha uga tuuray Cabdullaahi Yuusuf.

 

Ayaantaan waxaan arkaa ayadoo aad loo isticmaalayo hadal madaxweyne Cabdiqaasim uu ku dhaliilayo mucaaradka asagoo yiri:

 

“Kuwa mucaaradaya dowladda waa kuwii i mucaaraday anigoo ina adeerkood ah, mucaaradnimo ma wadaan ee waa dowlad diidnimo”.

Sidoo kale waxaan arkaa dad dhahaya madaxweynayaashii hore ee maamulka hadda jira mucaaradaya waxaa wannaagsaneyn in ay madaxweyne waddani Cabdiqaasim ku deydaan, oo weligiisa dowladnimo ma mucaaradin.

 

Cabdiqaasim wuxuu ahaa mucaarad daran, waana wax caadi ah, dhaliilna kuma leh maxaad mucaarad ugu noqotay dowlad, asagna yuusan dadka ku eedeyn.

 

Dowladnimadeena sida ay ugu baahan tahay hoggaamiyayaal ku ad adag danaha qaranka, sharciga iyo hufnaanta, ayay ugu baahan tahay mucaarad intaas uga sii adag.

Qore :  Xasan Aadan Hoosow

Warar Sugan Kala Soco   awdinle.com