War deg deg ah: Nabadoon Goordhow Lagu Dilay Magaalada Kismaayo

October 20, 2019 (AO) – Warar hada naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayan in Goordhow halkaas lagu dilay Nin la sheegay inuu ahaa Nabadoon.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Nabadoonka ay dilka u geysteen kooxo ku hubeysnaa Bastoolado, isagoo isla goobta ku geeriyooday.

Warar la helaayo kismaayo ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Nabadoon Saciid Haaji Adoon oo ka tirsan wax-garadka deegaanadda Jubbaland.

Ragii ka dambeeyay Dilkiisa ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday,isla markaana waxaa halkaas ku sugan Ciidamo amniga Jubbaland.